| Application Process: | | | | العربية | Af Soomaali | |
|
La socodka Maaliyadda Marka aad hesho qorshaha
daryeelka la soo jeediyey iyo Qiyaasta Qiimaha Adeegyada
Caafimaadka, Waaxda Shaqada Bulshada iyo Adeegyada Dadweynaha ayaa
si dhaw kaala shaqayn doona si:
Loo xaqiijiyo inta uu daboolo
caymiskaagu oo qeexi wixii xakammayn, xaddidaad, ama lacag la bixin
loo baahan yahay, ama;
Looga helo kafiilkaaga Waraaqda
Damaanada ah ee haboon;
Dib loogu fiiriyo kharashayada la
qeexay ee qorshaha daaweynta ee la soo jeediyey.
Waraaqda Damaanada ama caddaynta
daboolitaanka caymiska waa in loo keeno Waaxda Shaqada Bulshada iyo
Adeegyada Dadweynaha ugu yaraan 5 maalmood kahor booqashada hore ee
ilmahaaga.
Haddii aanad lahayn daboolitaan caymis
ama kafiil aan la xaqiijin, waxa lagaaga baahan doonaa inaad u
bixiso qadimaad Qiyaasta Qiimaha Adeegyada
Caafimaadka kahor ballanka hore ee ilmahaaga. Lacagta
bixinteeda oo dhan waxa la rabaa 5 maalmood kahor booqashada hore
ee ilmahaaga. Haddii aanad awoodin inaad bixiso dhammaan qadarkaas
5 maalmood kahor booqashada hore ee ilmaha, wixii ballan qorshaynaa
waa la hakin ama la burin doonaa.
Dhammaan lacag bixinta waxa lagu
filayaa inay ahaato doolarka Maraykanka. Cisbitaalka Children's
Mercy wuu qaataa VISA, MasterCard, American Express iyo Discover.
Jeegaga qof ahaaneed ama kuwa khasnajiga iyana waa la ogolaan karaa
haddii laga soo qoray Bangi Ameerikaan ah. Jeegaga lagu qoray
Ameerika dibedeeda lama ogola haddii aan hore loo sii
ogolaan.
Si nidaamka lacageed loo sii sahlo, CMH
waxay qaadataa jeega bangiyada Maraykanka, xawaaladaha, lacagta iyo
kiridhit kaadhyaada (Visa, MasterCard, Discover, iyo American
Express). Fariimaha xawaaladu waa sidatan:
• Magaca Bangiga:
___________________________________
• Lambarka ABA:
_________________________________
(Lambarka ABA wuxu u taagan yahay
cinwaanka elektorooniga ah ee bangiga)
• Magaca Xisaabta
Bangiga:_____________________________
• Lambarka Xisaabta
Bangiga:___________________________
• Magaca Bukaanka:
__________________________________
• Waaxda Shaqada Bulshada iyo Adeegyada
Dadweynaha:________________
• Ku Socota: _________________________
Fadlan hubi inaad ku darto dhammaan macluumaadka kor
lagu codsaday.