| Application Process: | | | | العربية | Af Soomaali | |
|
Qiyaasta Qiimaha Adeegyada Caafimaadka Iyadoo
lagu saleeyay soo jeedinta daaweeynta hore, shaqaalaha baadhitaanka
hore ayaa diyaarin doona Qiyaasta Qiimaha Adeegyada Caafimaadka oo
faahfaahin doona qiyaasta kharashyada khayraadka cisbitaalka iyo
dhakhtarada ku hawlan qorshaha daryeelka caafimaadka aa n
dhamaystirnayn ee ilmahaaga labadaba. Markay suurtowdo, waxaan
bixin doonaa macluumaad la xidhiidha wixii khrash dheeraad ah ee
imaan kara sida qalabka iyo alaabta caafimaadka, alaabta
farmashiyaha, ama daaweyn bukaan-socod. Haddii la codsado,
shaqaaluhu, shaqaaluhu waxa kale oo ay kaala talin karaan
helitaanka iyo kharashyada la xidhiidha hudheelada ama guryeynta
kumeelgaadhka ah ee Kansas City Missouri, iyo weliba gaadiidka
gudaha iyo hareeraha magaalada.
Fadlan ogow:
Qiyaasta Qiimaha Adeegyada
Caafimaadka MA aha qiimo go'an, mana aha qiimaha
dhabta ah ee qiimaynta cilad-sheegista iyo daaweynta daba
socota.
Qorshaha la soo jeediyey ee daryeelka
wuu isbeddeli karaa marka ilmahaaga lagu baadho CMH, oo, wuu
isbeddeli karaa xataa mudda ay daaweyntu socoto. Qiyaasta
Qiimaha Adeegyada Caafimaadka waa lagu noqon doonaa iyada
ku xidhan daaweynta oo dhakhtarku soo jeediyo iyo isbeddelada kale
ee la socda.
Waxa daruuri ah in CMH iyo dhakhtarrada
kiliinigyada iyo shaqaaluhu u wada shaqeeyaan koox ahaan si loo
siiyo adiga iyo qoyskaaga qiimaha caafimaad ee dhabta ah iyo
macluumaadka lacageed ee suurtagal ah.
Hase ahaatee, marar badan, suurtagal ma aha in la qeexo dhammaan
waxyaabaha saamayn kara cilad-sheegista iyo daaweynta daba socota
ee la soo jeediyey, iyo sida loo fahmi karo carqaladaha jirrada ama
xaalada, illaa dhakhtarada CMH ay baadhaan ilmahaaga.