| Application Process: | | | | العربية | Af Soomaali | |
|
Dib-u-fiirinta Caafimaadka Codsi ballan kasta
wuxu ku bilaabmaa dib-u-fiirinta dalabka dhamaystiran ee xaaladda
caafimaadka ilmahaaga. Si loo billaabo nidaamka dib-ufiirinta
caafimaadka, waxaad u baahan tahay inaad buuxiso Foomka Bukaanka
Caalamiga (fiiri lifaaqa).
Foomkan waa in lala soo celiyo soo-koobitaan cusub ee taariikhda
caafimaadka ilmahaaga (aysan da'dooda ka badnayn 30 maalmood), iyo
nuqulada dhammaan warbixinada baaritaanada, fasaxyada shaybaarka,
qaliinka ama sawirada cilad-sheegista. Waxaan u codsanaynaa in
dhammaan macluumaadka lagu keeno Ingiriisi.
Marka uu dib-u-fiiriyo shaqaalaha adeegga bukaanka caalamiga ah,
waxaanu dhammaan alaabtaas u gudbin doonaa shaqaalaha caafimaadka
ee ku habboon. Kaddib marka la helo dhammaan dalabka qoraalka oo
dhamaystiran, nidaamka dib-u-fiirntu wuxu qaataa 10-20 maalmaha la
shaqeeyo, balse waxaa suuragal ah in uu qaato in ka badan. Marka
dib-u-fiirintu dhamaato, shaqaalaha bulshada ayaa kula soo
xidhiidhi adiga ama dhakhtarkaaga isaga oo wata fikirkiisa iyo
haddii ay habboon tahay, qorshe aan dhamaystirnayn oo ah daryeelka
caafimaadka la soo jeediyey. Fadlan ogow qorshaha la xaqiijiyey ee
daaweynta waxa keliya oo la bixin karaa wakhtiga ilmahaaga lagu
baadho CMH. Marka ilmahaaga lagu baadho CMH, isbeddel ayaa ku dhici
kara qorshaha caafimaadka.