| Application Process: | | | | العربية | Af Soomaali | |
|
Barnaamijka Bukaanka
Caalamiga ah Sannad kasta bukaano
badan ayaa u socdaala Cisbitaalka Children's Mercy Hospital ee
magaalada Kansas City oo ka yimaad dalal kale si u helaan daryeelka
caafimaadka carruurta ee khubaradu isku-raacday, inuu yahay ka ugu
heer-sareeya ee adduunka laga helo. Qaar waxay u yimaadaan
awooddayada daaweyneed ee heerka asre ee ilmaha, qaar kalena waxay
soo raadsadaan adeegayda ay caanka ku yihiin dhakhtaradayadu. Si
kasta ha ahaatee, wixii keenaba, bukaan kastaa wuxu helaa daryeel
xirfadyahanimo oo aan laga kormari Karin oo ay ku dheehan tahay
xushmadda dhaqanada kala duwan ee bulshada caalamka.
Barnaamijka Bukaanka Caalamiga ah wuxu bixiyaa hal meel oo
keliya oo ah helitaanka, adeegga iyo iskudubaridka bukaanka
caalamiga ah iyo qoysaskooda. Weydiimaha caalamiga ah ee daaweynta
dib ayaa loogu fiiriyaa hab qiimayn iyo borotokool kala saarid ah,
oo ay ku jirto qiimaynta koox shaqooyin kala duwan qabata. Adeegga
gaarka ee socda ee macmiilku wuxu hubiyaa in xidhiidhku meel isugu
soo ururo oo baahiyaha macmiilka la buuxiyo.
Aragtida-guud ee CMH
Ilaa 1897, Cisbitaalka Children's Mercy Hospitals &
Clinics ee Magaalada Kansas (CMH) waxyaabaha uu ku soo biiriyey
heer-sare ka yeelidda caafimaadka ilmaha waxay hagaajisay nolosha
malaayiin carruur ah. Daryeel bukaan oo caaqiibo leh, cilmi-baadhis
iyo waxbarasho ayaa ka gargaaray CMH inuu noqdo cisbitaalada
caafimaadka carruurta ee ugu sarreeya daryeelka caafimaadka
carruurta ee adduunka. Daryeelkan muddada dheer dhaqanka u ahaa
Cisbitaalka Children's Mercy Hospital ee Magaalada Kansas wuxuu sii
wada inuu wax weyn ku si kordhiyo acafimaadka carruurta adduun
ahaan.
Cisbitaalka Children's Mercy Hospital ee Magaalada Kansas, MO.
Wuxu ka mid yahay xarumaha caafimaadka carruurta ee ugu sarreeya
dalka. Iyada oo ay u aqoonsadeen Xarunta American Nurses
Credentialing Center wanaagga sare ee adeegyada kalkaalisanimada,
oo ay ku qiimeeyeen 2009 qolada U.S. News & World
Report in ay ka mid yihiin "Cisbitaalada Carruurta ee Ugu
Wanaagsam Ameerika" 5 takhasus, Cisbitaalka Children's Mercy wuxu
bixiyaa daryeel caafimaadka carruurta oo aad u wacan min dhalshada
ilaa da'da 18. Iyada oo ka kooban yahay 314-sariirood, Heerka III
ee unugga daryeelka adage e dhllaanka-cusub, Heerka I ee xarunta
caafimaadka carruurta ba'an, dhakhaatiir dhan 600 oo dhakhtarada
carruurta ah, iyo 40 takhasus-hoosaad, wuxu ka mid
yahay xarumada caafimaadka carruurta kuwa ugu waaweyn e isku-dhafan
ee waddankan. Waxa dheer bayaan hawleedka daryeelka carruurta,
Children's Mercy wuxu si firfircoon ugu hawlan yahay daryeelka
kiliinigga, cilmi-baadhista caafimaadka carruurta, iyo
waxbaritaanka jiilka soo socda ee takhasus-hoosaadyada caafimaadka
carruurta.
Bayaanka Hawsha
Waxaan aaminsanahay in carruurta caalamku la siiyo daryeel
tayada ugu sarraysa leh, marka khayraadku aan laga heli karin
dalkoodii asal ahaaneed. Kuwa ka raadinaya daaweyn Cisbitaalada iyo
kiliinigyada Children's Mercy waa inay helaan helitaan wakhtigeed
leh qaab rasmi ah oo dib u hubin qiimo leh wata.
Himilooyinkayaga
Himilooyinkayaga Cisbitaalada iyo Kiliinigyada waa in loo
fudaydiyo bukaanka caalamiga ah helitaanka adeegyada jira carruurta
raadinaya daryeelka caafimaadka carruurta ee heerka sare ah ee
hay'adayada. Waxaan fahamsanahay dhibaatooyinka maaraynta daryeelka
caafimaadka ee wadan shisheeye ah; sababtaas awgeed, waxaanu u
qoondaynay Isuduwaha Bukaanka Caalamiga ah inuu ka hago bukaanka
iyo qoysaskooda habka wax u socdaan. Wuxu isuduwi doonaa baahiyaha
iyo weydiimaha la xidhhidha caafimaadka, maaliyadda ama adeegyada u
baahan in la xalliyo.
Haddii aad rabto inaad u gudbiso Cisbitaalka The Children's
Mercy Hospitals & Clinics ee Magaalada Kansas bukaan caalami
ah, fadlan buuxi foomka gudbinta ee halkan ku lifaaqan.
Macluumaadka dheeraadka fadlan wac, u qor ama iimayl u dir
Barnaamijka Bukaanka Caalamiga ah:
Children's Mercy International Services
Children's Mercy Hospitals and Clinics of Kansas
City
2401 Gillham Road
Kansas City, Missouri 64108, United States
Tel: (816) 701-4524
Fax: (816) 701-4525
E-mail: international@cmh.edu