| Application Process: | | | | العربية | Af Soomaali | |
|
Adeegyada Bukaanka/Qoyska
Si lagaaga gargaaro isudiyaarinta booqashadaada, Waaxda Shaqada
Bulshadu waxay bixisaa adeegyo taageero oo badan si looga dhigo
booqashadaada Cisbitaalka Children's Mercy mid sahlan oo dhib yar
sida suurtagalka ah. Xafiiska Shaqada Bulshada wuxu furan yahay
8:30 subaxdii ilaa 5 galabtii, Isniinta ilaa Jimcaha. Maalmaha
wiikendka iyo saacadaha shaqada ee caadiga ah kaddib, waxaa jira
shaqaale u heelan oo la wici karo oo kaa gargaari doona baahida aad
qabi karto.