Kusoo dhaw Rugta caafimaadka Maqalka iyo Hadalka ee Children's
Mercy Hospitals and Clinics. Kusoo dhaw Rugta caafimaadka Maqalka
iyo Hadalku waxuu ku hanweyn yahay in uu noqdo mid kamida
cisbitaalada caruurta qananka ka ugu wanaagsan isagoo kudadaalaya
waxbarasho heersare ah, daryeelka bukaanka iyo cilmi baadhis.
Waa maxay sababta aad u Dooranayso Children's
Mercy
Rugta caafimaadka Maqalka iyo Hadalku waxay leeyihiin shaqaale
khabiiraa oo takhasus ku ah xanuunada caruurta. Rugtu waxay u
huraysaa bukaanada inay siiso adeegyada ugu tayada wanaagsan
suurtogalkaa iyagoo isticmaalaya caddaymo ay badankoda ay
kasalaysan yihiin tabartabar kuqaadashada iyo nidaamyo, qalab
iyo teknoolajiyad laheli karo. Waalidka iyo masuuliyiinta ayaa
kujira talaabo kastoo kamida adeegyadayada, oo ay fiiro dheeraada u
yeelan karaan qiimaynta iyo daaweeynta caruurtooda ama ay usii
marayaan muraayadaha dhanka keliya ah.
Dhammaan khabiirada maqalka iyo cudur-yaqaanada luuqada hadalka
waxay haystaan shahaada digriiga, shahaadada doktareedka ama Ph.D.
ee takhasuska cilmigooda midkasta kiisa. Waxay Shahaado kuhaystaan
Awood-Xiradeedka Rugta caafimaadka (CCC) ee barashada cilmiga
maqalka ama barashda cudurada luuqada -hadalka, oo ay ugu deeqday
Ururka Luuqada Hadalka Maqalka Ameerikaanka (ASHA), Iyagoo
oggo'laansho u haysta si ay xirfad ahaana in ay uga shaqeeyaan
gobolada Kansas, Missouri ama labad gobolba.
Waxbarashadu waxay muhiim u tahay shaqaalaha Rugta Maqalka iyo
Hadalka. Rugti waxay leedahay arday qalin jabisay, ardayda
caafimaadka iyo dad deegaana oo fiiro dheerada u leh qiimaynta iyo
daaweeynta dabiicigaa. Waxay tacliiminaysaa dhaqaatiirta iyo
shaqaalaha kale ee daryeelka caaimaadka ee kashqeeya maqal la'aanta
iyo xanuunada xidhiidhka, waxay siisaa casharo kooxaha caafimaadka
iyo kuwa bulshadaba, oo ay u diyaarisaa fasalo aan sidaa uga
dheerayn dugisyada qalin jabinta.
Murti Hawleed
Murtida hawsha Shaqada Rugta Maqalka iyo Hadalku waa in ay bixiso
daryeelka dheeraadkaa ee baadhitaanada caafimaadka, faragalin
waqti-horaa, wadashaqayn, daaweeyn muddo-kooban soconaysa, wax
baris iyo cilmi-baaris. Bukaanada, qooysaska iyo shaqaalaha
waxaa loola dhaqmayaa si naxariis leh jawi qoysnimo ku salaysan oo
aqoonsan baahiyaadka jidheed, qiireed, dhaqaale, bulsho, diineed,
iyo dhaqan.
Rugta Maqalka iyo Hadalku waxay lashaqaysaa Cisbitaalada Carruurta
Mercy iyo Rugaha caafimaadka, degmo ahaan iyo gobol ahaanba si ay u
bixiso adeegyo leh hogaank iyo horumarinlocally.
Rugta Maqalka iyo Hadalku waxay u shaqaysaa sida xarumaha bulshada
lagamamaarmaanka oo kale iyagoo bixinaya tayada ugu saraysa ee
caddaymo salka -kuhaya daryeel caafimaad uguna gudbinya waxdhigis
iyo cilmi-baaris.