Somali Maqal La’aanta(Hearing Loss)

عربي

Somali

Tiếng Việt 

  English 

Français

  Español

 

Waxaa jira afar nooc oo dhago-beela: conductivesensorineuralmixed iyo auditory neuropathy. Dhammaantood waxay noqon karaan wuxuu kudhashay ama meel kale uga yimid midkood. Wuxuu kudhashay waxaa loola jeedaa in cunnugu ku dhasho maqal la'aanta. Waxa meel kale kaga yimid waxaa loola jeedaa dhaga la'aanta kudhacda dhalashada kadib.

Waxaa jira shan heer oo dhaga la'aana:mid hoosemeel dhexaadmeel dhexaad darandaran iyo dam ah.

Caruurtu waxay yeelan karaan maqal la'aan dhag kaliyaa ama maqal la'aan labada dhagooda midkood. Hal dhag waxaa loola jeedaa hal dhag oo kaliya ayuun baa qabta dhago la'aanta. Labada dhagoodba waxaa looga jeedaa labada dhagoodba waxay qabaan.

 

Noocyada Maqal la'aanta:

 Gudbinta Maqal la'aanta

conductive_hlMarka dhawaqu aanu u dhexmarin si saxa qaybta dibada iyo qaybta dhexe ee dhagta oona uga gudbin inner ear, waxaa loo yaqaanaa gudbinta maqal la'aanta. Xaaladaha badankooda, dhibaatada waxaa lagu xalin karaa caawimaad caafimaad, laakiin mararka qaarkood waxay noqon kartaa mid joogta ah.

Inta badan, xanuunka dhagtu waxaa uu sababaa maqal la'aan waxtar kumeel gaadhaan. Marka xanuunku ama dheecaanku uu awdo dhegta dhexe, xuubka dhagta iyo lafahuba masamayn karaan gariir iyadoo ay ahayd in ay gariir sameeyaan. Tani waxay joojisaa dhawaqa soo galaya qaybta guddah hoose ee dhagta taas oo ay sababayso in cunnuga ay kudhacdo dhibaatooyin maqalkaa.

Mararka qaarkood xanuunka dhegta dhexe maaha sababta gudbinta maqal la'aanta. Dhukayga aad ka u badan, jugta lafaha dhagta dhexe, iyo qaybta dhagta dhexe ama qaybta dhagta dibada aan caadiga ahayn ayaa sababi karta noocan maqal la'aanta ah. Xaalahda qaarkood, cunnugu waxaa uu gashan karaa aalada maqalka sahasha si uu si fiican wax u maqlo.

Ku noqo kor

 Sensorineural Maqal La'aanta

Dhibaatooyinka haysta qaybta guddaha ee dhagta ama  dareen wadaha maqalka waxaa lagu magacaabaa sensorineural maqal la'aanta. Jugta gaadha qaybta qaybta guddaha waxay kutimaadaa heerar kaladuwan: jugta faraha badan waxay keenaysaa, maqal la'aan farabadan.

Xaddidida codka qaarkood laga yaabaa in ay saamayn ku yeeshaan in kabadan kuwa kale. Noocan maqal la'aanta ahai badaniyaa waxay u horseedaa dhibaatooyin wata maqalka dhawaqyo khafiifa iyo qaar wata dhibaatooyinka wata fahmitaanka hadalka. 

Waxyaalaha sababa maqal la'aanta sensorineural:sensorineural_hloss

  • hiddo
  • jugta xilliga dhalashada
  • astaamaha gaarkaa
  • daawooyin gaarkaa (waraqada dawada sidoo kale waa sharci daro)
  • dhaawac madaxa gaadh
  • dhawaqa dheer oo kudhaca dhagta
  • buro
  • nidaamka gabowga

Maqal la'aanta Sensorineural waa joogto. Badaniyaa, cafimaad ahaan laguma dawayn karo. Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu dawayn karaa  cod dheerayn iyo aalada maqalka sahasha.

Kuxirnaanta saamayanta heerka maqal la'aanta iyo xaddidida codka, khabiirada maqalka ayaa laga yaabaa inay kula taliyaan cunnuga inuu isticmaal aalada maqalka sahasha. Si kasta ahaatee, aalada maqalku maaha sida muraayadaha lagashado oo kale; siin maayaan cunnuga maqal caadiya. Aalada maqalka sahasha ayaa laga yaabaa inay caawiso ooy samayso waxoogaa dhawaqyada lamaqlo ee aan hore loo maqal. Aalada maqalka sahasha, hadalka ayaa illaa hadda laga yaabaa in uu hadalka ku margado cunnugu, waayo maqal la'aantu waxay saamayn ku yeelataa dhawar qaab qaybta guddaha ee dhagta. Kor u qaadista dhawaqa dheer ee kufilan in cunnugu maqlo, badaniyaa uma fududayso dhawaqa si uu u fahamo.

 

Ku noqo kor

 

Isku Dhafnaanta Maqal la'aanta

Caruurta qaarkood waxay leeyihiin maqal la'aan dhagta dhexe (gudbinta) iyo qaybta guddha ee dhagta (sensorineural) labadoodaba. Tani waxaa lagu magacaabaa isku dhafnaanta maqal la'aanta.

Ku noqo kor

 

Xaaladda Maqalka "Auditory Neuropathy Spectrum Disorder" (ANSD)

auditory_neuropathyAuditory neuropathy spectrum disorder (ANSD) waxaa lagu magacaabaa auditory neuropathy ama auditory dys-synchrony.

Haddii cunnuga qaba noocan maqal la'antaa, dhawaqa galaya  cochlea sdia caadigaa, laakiin dareenwadaha loo maleeynayo inuu diro seeyalaysiga maskaxda ( dareen wadaha maqalaka) uma shaqaynayo sida saxda ah.

Tan ayaa sabab u noqoata in carurutu ay yeeshaan dhibaatooyinka balaadhan kala jaad jaada oo mqalkaa. Qaar waxaa laga yaabaa inay yeeshaan dhibaatooyin khafiifa, kuwo kalana mid daran. Caruurta qaarkood laga yaabaa in ay yeeshan dhibaato maqalka kahaysta iyo fahmitaanka dhawaqyada, waxay u baahan yihiin dhawaaq baaqa oo aragaa si uu u fahmo sheekada, ama dib u dhigid hadalka ama luuqada. Tani waa sababta auditory neuropathy loogu magacaabo xaaladda "spectrum disorder": laba caruura oo qaba ANSD isku mid ma noqonyaan oo dhammaantood isku dhibaato noqonmaayaan.

Ku noqo kor

Heerarka Maqal La'aanta:

Maqal la'aanta Khafiifkaa

Maqal la'aanta khafiik ah, caruurtu ma maqali kaaan dhawaqyada ka khafiifsan 25-40  halbeega jabaqda maqalka (hJM). Tusaalaha dhawaqa aanay maqali karayn waa xashaashaqa, kaas oo u dhaw qiyaas ahaan 40 hJM. 

Hadii cunnug aanu helin aalada maqalka sahasha ama aan lagu talaalinsi ay u kordhiso dhawaqa ama aan laga caawin waqtiga hore ee nolosha, maqal la'aantu waxay sababi kartaa feejignaan la'aan, dib u dhac luuqadaa iyo dhibaatooyin hadalkaa. Dhawaqyada waxoogaa kuyara dheer qof uu maqalkiisu caadi yahay, sida hadalka, wuxuu dhawaqu kunoqanayaa cunnuga sida hashaashaqa.

Caawimada, sida aalada maqalka sahasha iyo daaweeynta dabiiciga ah, caruurta badankoodu waxay fahmi karan hadalada dhawaqyada khafiifkaa iyo adduunka ku xeeranba.

Ku noqo kor

 

Maqal La'aanta Meel Dhexaadkaa

Dhawaqyada ka khafiifsan 40-55  hDhhDh ma maqli karaan caruurta qabta maqal la'aanta meel dhexaadkaa.

Iyadoon laga caawin, dhawaqyada hadalada badankoodu lamaqli maayo. Dhawaqyada aadka ugu dheer inta uu ka maqli karo qof maqalkiisu caadi yahay ayaa laxashaashaqi doona caruurta. Waxay kaliya oo ay fahmi doonaan hadalka hadii uu dhawaq dheer yahay. Caruurta waxaa laga yaaabaa in ay la yimaadan khaladaad hadalkooda. Lagam yaabo in ay dhag u dhigaan oo waxaa laga yaabaa in ay yeeshaan dhbaatooyin hadalkaa, luuqadaa iyo wax dhigashaa. Dadka waaweeyn ayaa laga yaabaa in ay kala kulmaan waqti adag fahmitaanka cunnuga. 

Caawimaada, caruruta badankoodu waxay fahmi karaan dhawaaqyada hadalka khafiifkaa. Caruurta badankoodu waxay horumarin kagaadhi doonaan erayada, fahmitaanka luuqada ama hadalka. Caruurtu badandoodu waxay baran doonaan in ay u hadlaan si khaladaad kujirin.

Ku noqo kor

 

Maqal La'aanta Aadka u Daran

Caruurta leh dhibaatada heerka maqal la'aanta waxay dhibaato kahaysataa dhawaqa maqalka ka khafiifsan 55-70  hJM. Tusaalaha dhawaqa ee heerkan waa ka weel dhaqaha (60 hJM).

Caawimaad la'aan, caruurta qabta qiyaasta maqal la'aantan waxay maqli karaan oo ay fahmi karaan codka dheer ee iyaga aadka ugu dhaw. Badaniyaaa ma bilaabaan hadalkooda ama luuqadooda iyaga u gaarkaa, haddii ay sameeyaan, hadalkoodu wuxuu noqonayaa daciif.

Aalada maqalka sahasha ayaa caawin doonta caruurtan inay maqlaan wadasheekaysiga. Haddii caruurta qaadata daaweeynta dabiicigaa ee hadalka ama luuqada, waxay fahmi karaan oo ay samayn karaan dhawaaqyada hadalka badankooda.

Ku noqo kor

 

Maqal la'aanta Daran

Maqal la'aanta daran, caruurtu ma maqli karaan dhawaqyada ka khafiifsan 70-90  hJM. Tusaalayaasha dhawaqyada een laga yaabin ay maqlaan waa kuwa meel madhan (70 hJM), ama miishiinka wax lagu ridqoor ama timo qalijiyaha (90 hJM).

Caawimaad la'aan, cunnugu wuxuu yeelan doonaa dhibaatooyin fahanka kaqabsada dhawaqyada hadalka badankooda. Dhawaqyada kale lagama yaabo in la maqlo haba yaraatee. Cunnugu maqli maayo dhawaqyada hadalka qiyaasta caadigaa ee heerka wadasheekasysiga. Dhawaqyada aadka ugu dheer qofka maqalkiisa intiisa caadiga ah ayaa wuxuu u noqonayaa cunnuga mid aad khafiif ugu ah. Hadalku waxaa la maqli karaa oo kaliya haddii lagu qayliyo guddaha dhagta cunnug. Cunnuga qaba heerkan maqal la'aanta ah wuxuu yeelanayaa hadal aan lafahmayan.

Caawimaada aalada maqalka sahasha ama maqal xubin abuurida ama daaweeynta dabiiciga aha, caruurta leh heerkan maqal la'aanta badanaa waxay fahmi karaan dhawaaqyada badankooda. Waxay baran karaan oo ay fahmi akraan inay hadlaan, xaataa haddii aanay maqli doonin habaka caruuurta qabta maqalka caadig ahi ay ku maqli karaan. Caruurta badankoodu waxay u baahan doonaan in laga caawiyo dugsiga si ay u xaliyaan dhibaatooyinka kahaysta maqalka goobaha buuqu ka jiro ama maqalka dhawaqyadoodu aad uga fog yihiin.

Ku noqo kor

 

Maqal La'aanta Damta ah

Caruurta qabta maqal la'aanta qotoda dheer ma maqli karaan dhawaqyada ka khafiifsan 91  hJM. Tusaalooyinkan waa muusikada loo isticmaalo ee MP3 players oo leh meel codka laga dalaco ama laga naaquso si loo kordhiyo qiyaasta codka illa dhammaan (100 hJM) iyo dawanka baabuurta (110 hJM).

Caruurtan waa waajib in ay qaataan waxbarshada gaarkaa si ay ugu caawiso iyaga in ay bartaan luuqada ama hadalka. Iyadoon laga caawinayn tan, caruurtu ma maqli karaan dhawaqyada. Waxay isticmaalaan aragti halkii ay ka isticmaali lahaayeen maqalka si ay xidhiidh u sameeyaan. Dadka leh maqalka caadiga ah ee maqalku ma fahmi karaan hadalkooda.

Si kastaba ha ahaatee, teknoolajiyada iyo daaweeeynta dabiiiciga ah ayaa caawin karta caruurta qabta maqal la'aanta qotoda dheer. Caawimaadan, caruur badan ayaa maqli doonta dhawaqyada codka dheer iyo sheekaysiga lagu wada hadlay haddii aanay jirin dhawaq hore oo aanay ku jeedin qofka hadlaya. Caruur badan ayaa illaa hadda u baahan in ay isticmaalaan aragtida si ay ugu caawiso inay fahmaan sheekaysiga lagu wada hadlay. Caruurta badankoodu waxay u baahand doonaan in laga caawiyo dugsiga si ay u xaliyaan dhibaatooyinka kahaysta maqalka iyo barashada.

Ku noqo kor 

Ku nuqo Barnaamijka Maqalkato

Copyright © 1996-2014 The Children's Mercy Hospital