Somali Liiska Erayga (Word List)

عربي

Somali

Tiếng Việt 

  English 

Français

  Español

cod weynaynta:  Kani waa aalad taas oo ka caawisa caruurta maqal fiican oo kordhin karta dhawaqa ku xeeran iyaga. Tusaalayaal: Aalada Maqalka sahasha, hababka F.M.

codweeyneeye: Kani waa qayb kamida aalada maqalka taas oo kordhisa seenyaalsysiga dabka kushaqeeya ee kasoo baxda codbaahiyaha.Codbaahiyaha waxaa ladhiga guddaha aalada maqalka.

dareen wadaha maqalka: Kani waa dareen kaasoo kuxidhan qaybt dhagta guddaha (guddaha dhagta). Waxaa uu qaadaa dhawaqa loo badalay quwad daba oo kujirta gudddha qaybta dhagta oo u dhaqaajisa quwadaha xagga maskaxda, sidaas daraadeed maskaxda ayaa u tarjumi karta iyaga.

dhagxaanta: Kani waa waxa shida aalada maqalka.

qaybta guddaha dhagta: Tani waa xubun kamida jidhka.Waa qaybta guddaha ee dhagta. Qayta dhagta ee gudduhu waxay u badashaa hirka jabaqda quwado daba sidaas daraaded waxay kor usoo dhufan karaan dareen wadaha maqalka oo ay u qaadaan dhanka maskaxda si loo tarjumo.

dhibaatada xidhiidhka: Kani waa ery loo isticmaalo dhibaatooyinka kala duduwan ee hadalka, luuqada ama maqalka. Tusaalooyinkan waxaa kujira haghagada, ilowshiyaha maskaxdu ilowdo erayooyinka qaarkood si ay xidhiidh u samayso, kala go'a "dysfluency", dhibaatooyinka codka, faruruta dabinta, faruurnaanta, tafaasiil kabixinta dhibaatooyinka, dib udhacyada hadalka iyo luuqada ku yimaada xanuunka xidhiidh la'aanta maskaxdu keento xanuunada codaynta. Shaqaalaha Rugta Caafimaadka Hadalka iyo Maqalka ayaa sameeya qiimaynta caruurta si ay u fahmaan haddii ay haysato mid kamida dhibaatooyinkan.

halbeega-dhawaqa (hDH): Kani waa eray loo isticmaalo cabirka dhawaaqa. Lambarka yare e halbeega dhawaaqu waa dhawaq fudud, ama lambar wayn halbeega dhawaaqa waa dhawaq sare.

dhawaqa lambaraysan: Kani waa dhawaqa uu kashaqeeyo kombuyuutar. Dhawaqa waa lalambariyaa marka ii galo aalada maqalka.

maraaryaha dhagta: Tani waa qaybta kamida aalada maqalka taas oo kuxidhanta xagga danbe ee dhagta (BTE) aalada maqalka oo u dhaqaajisa dhawaqa laweeyneeyey dhanka daloolka dhagta.

ECMO: Tani waxay u taagan xuubka "extracorporeal membrane oxygenation". Waa daaweeynta loo isticmaalo dhalaanka ama caruurta qabta hoos udhaca neefsashada wadnaha. Sanbab dad sameeya ("membrane") kaas oo kuyaala dibada jidhka cunnuga ("extracorporeal") ayaa soo galiya neefta loo yaqaan ogsajiintaputs gasha dhiiga oo dabadeedna uqaada dhiigan tiftifyada jidhka ("oxygenation"). Caruurta waxaa loo galiyaa mishiinka ECMO muddo yar oo kooban sidaas daraadeed wadnahoodu ee/ama sanbabada ayaa waqti dib uga soo rayna yeelanaya. Sababta ugu caansan ee ECMO loogu isticmaalo cunnugyada dhasha waa kuwa qaba hoos udhaca neefsiga. Sidoo kale waxaa loo isticmaali karaa hoos udhaca wadno xanuunka daran, si ay u taageeraan wadnaha kadiba marka lagu sameeyo qalniin, ama marka ay sugayaan qalniin laxidhiidha wadnaha ama marka lagu talaalayo wadno kale.

qotinada: Waxaa jira bileedho bir kasamaysan kuwaas oo kuxidhan oogada sare oon bir kasamaysnayn oo gubiya qulqulka maayada danabka. Qotinada waxaa badaniyaa istcmaala khabiirada maqalka xilliga ay kujiraan jawaab celinta iskeed iskuwada ee qarka maskaxda (ABR) baadhitaanada. Xilliga ABR, lagu rakibo fooda wagiga hore ee cunnuga ama maraaryaha dhagta dawo dhiiqa ama xabag daawaa.

qiimaynta Maqalka: Kani waa eray ay isticamaalaan kooxda baadhtaanada caafimaadku oo ay isticmaalaan khabiirada maqalku si ay si fiican u fahmaan sida wax u maqli karo.

hertz (Hz): Kani waa qalab loo isticmaalo qiyaasta cabirka codka. Qiyaasta maqalka aadamahu waxay kabilaabantaa 20-20,000 Hz.

tamarta kushaqaysa saliidaha ama dareere kale: Tani waa nooc kamida tamarta ay abuurtay dareeraha ku dhex dhaqaaqaya meel xidhan. Marka dhawaqu ka dhaqaaqo dhagta dhexe ee uu tago dhanka dhagta guddaheeda, dhawaqu wuxuu iska badalaa gariir ee noocan tamarta ah.

cod baahiye: Kani waa qayb kamida aalada maqalka kuwaas oo badala dhawaqyada kana dhiga tamat daba. Halka uu kutaalo aalada maqalku waa muhiim, waayo dhawaqyada ugu dhaaw codbaahiyaayasha ayaa sifudud kor usoo dhufananaya.

baadhitaanka caafimaad ee maqalaka cunnuga dhashay: Kani waa qiimaynta maqalka ee cunnug kastaa ay tahay waajiba inuu maro kahor intaanuu kabixin cisbitaalada kuyaala Kansas iyo Missouri.

dhaqtarka dhagaha: Kani waa dhaqtarka dhagaha kaas oo ku takhasusay dhibaatooyinka kudhaca dhagta.

otoscope: Kani waa qalab gacanta lagu haysto oo ay isticmaalaan khabiirada maqalka si ay u eegaan daloolka dhagta ama xuubka dhagta.

feeginaanta codaynta: Kani waa awooda uu cunnugu ku garto qaababka dhawaqa ee luuqada.

heerka codka: Kan waxaa go'aan ka gaadhista inta ay leegtahay gariirka hirarka dhawaqu. Gariirka badan ee muddo waqtiya, dhawaqa sare ee codka. Gariirka yer ee muddo waqti ah, dhawaqa hoose ee codka. Dhawaqa codka waxaa lagu qiyaasaa halbeega Hertz (Hz).

qaybta dhagta lasaaro: Tani waa qayb kamdida aalada maqalka taas oo u badahsa seenyaalaysiga codkiisa uu uu weeyneeyey dabku oo ib ugu celiya dhawaqa. Oo lagu xidho Dhanka kadanbaysa dhagta ama la dhex galiyo dhagta aalada maqalka, qaybtan dhagta lasaaro waxay kujirtaa guddaha haddiiba aalada daraaded ama haddii aanu muuqan.

qolka dhawaqa aan larabin inuu galo: A sound booth waa qolka kaas oo si gaara loosameeyey sidaas daraadeed dhawaqyada aan la rabin ayaa gali kara qolka. Khabiirada maqalka do many of their hearing tests in sounds booths. Qolku wuxuu ka caawiyaa iyaga in ay xakameeyaan sida saxda aha dhawaqa cunnuga uu maqlayo xilliga uu socdo tijaabinta maqalka sidaad daraadeed waxay awoodi karaan inay helaan natiijooyink baadhitaanadaaa ee ugu saxsan.

tuunbada: Tani waa qayb kamida maraaryaha dahgta taas oo ku xidhanta dhanka danbe ee dhagta (BTE) aalada maqalka. Waxay kasoo dhaqaajisaa dhawaqa dhanka qaybta dhagta lasaaro iyadoo siimarinaysa maraaryaha dhagta.

tympanometer: Kani waa qalab ay isticmaalaan khabiirada maqalku si ay u jeegareeyaan sida fiican ee uu shaqaynayo xuubka dhagtu si ay u ogaadaan haddii ay jirto dheecaan dhagta guddaheedaa. Khabiirada maqalku sidoo kale waxay isticmaalaan tympanometer si ay u jeegareeyaan haddii uu tuunbada cunnugu aya furan tahay iyo in kale. Waxay samaysaa tani iyadoo cabiraysa heerka codka daloolka dhagta.

maqal la'aanta hal dhag kaliya ku eeg: Marka cunnuga uu qabo maqal la'aanta hal dhag oo kaliya waxaa lagu magacaabaa maqal la'aanta ku eeg hal dhag oo laiya. Haddii uu If a cunnugu qabo maqal la'aanta labada dhagood, waxaa lagu magacaabaa ku labada dhagood.

Copyright © 1996-2014 The Children's Mercy Hospital