Somali Aalada maqalka sahasha(Hearing Aids)

عربي

Somali

Tiếng Việt 

  English 

Français

  Español

 

Khabiir maqalkaa ayaa kacaawiya cunnuga maqal la'aanta iyadoo qoyska cunnugu uu go'aansado teknoolajiyada sida ugu fiican salka kuhaysa arimo farabadan maqalka ee ugu wanaagsan, oo ay kujirto: nooca uu yahay maqal la'aantu, heerka maqal la'aanta iyo muuqaalka ay leedahay dhagta cunnugu. Isla marka ay doortaan aalada maqalka sahasha ee ku haboon, waxaa muhiim ah si loo isticmaalo aalada maqalka sahasha oo loo daryeelo sida ugu haboon. 

 

Waa Maxay Aalada Maqalka Sahasha?

Aalada maqalka sahasha waa qalab yar oo danab kushaqeeya oo lagu xidho dhagta guddaheeda ama halka kadanbaysa dhagta. Waxay samaysaa waxooga dhawaqyo dhaadheera sidaas daraadeed cunnuga qaba maqal la'aantu uu awoodi karo inuu xidhiidh sameeyo, dhagaysto kana qayb qaato hawlaha maalin walba socda.

Dhammaan aaladha maqalku waxay leeyihiin saddex qaybood: a  qalabka hadalka gudbiya, an  cod-xoojiye, iyo sameecad. Aaladu waxay heshaa dhawaq soo dhexmara qalabka hadalka gudbinaya. Qalabka hadalka gudbinayaa wuxuu badalaa dhawaqa isagoo ka dhigaya seenyaale koronto kushaqaynaya oo dabadeedna u diraya iyaga cod-xoojiyaha. Cod-xoojiyuhu wuxuu kordhiya awooda seenyaalaysiga oo uu u diraa dhagta isagoo sii dhexmaraya sameecada. 

Waxaa jira laba noocoo muhiima oo aalada maqalkaa: mid lagu xidho dhagta xaggeeda danbe (BTE) iyo dhagta guddaheeda (ITE). Labadan aalaadood labadooduba waxay leeyihiin tayo dhawaq lambaro leh oo lagu tilmaamayo hawlgal si fiican ugu haboon maqal la'aanta cunnuga.

Aalada maqalku waxay leeyihiin qaabab badan, sida telefan iskii isku wada oon shaqadiisu iska hor imanayn ama isku hagaajin iskeed isku wada oo loogu talo galay deegaanada dagan ama buuq ka jiro. Qaar kamida aaladaha maqalka sahla waxay baran karaan tixraaca heerka codka cunnuga. 

Khabiirada maqalku, cunnuga iyo qoyska cunnugu waxay kawada shaqeeyaan si ay u doortaan nooca aalada maqalku tahay iyo qaababka ugu wanaagsan.

Ku noqo kor

  

Aalada Maqalka Sahasha ee Lagu xidho Dhagta Dabadeeda (BTE)

Aalada maqalka sahasha ee lagu sidho dhagtad dabadeeda qiyaas ahaan waa 1 illaa 1½ iinj dhererkeedu oo leeg xagga kadanbaysa dhugta cunnugta. Dhawaqa waxaa  lagu sameeyaa lambaro oo lagu dhawaqa lagu dalacaa aalada maqalka sahasha dhexdeeda, dabadeed waxaa loo dhaqaajiyaa dhagta cunnuga iyadoo sii maraysa through an  carjwada dhagta. Carjawda dhagtu waa qayb yar oo dhag cinjira oo jilicsan oo leeg dhagta cunnuga.

bte_juntosAalada BTE waa nooca ugu caansan ee aalada maqalka u sahashsa caruurta. Si fiican ayey uga bhndear_hashaqaysaa dhammaan heerarka uu ka kooban tahay maqal la'aantu maqal la'aana sahlan ilaa ta qotada dheer. Aaladahan mqalka iyo carjawda dhagta ayaa waxaa lagu heli karaa midabo farabadan oo ku leeg dubka cunnuga ama midabka timaha. Sidoo kale waxay lagu heli karaa midabo xiiso badan sida basali, guduud/casaan, buluug ama cawlaan. Aalada BTE waxay si fiican ula shaqaysaa caruurta waayo marka uu cunnugu koroyo carjawda dhagtu waxay si fudud ay iskuugu badali kartaa qiime aad uga hooseeya oo lagu helayo aaladaha maqalka sahla dhammaantood. Sidoo kale, qalaabka u shaqeeya danabka ayaa laga ilaaliya dhagta, oo hoos u jarta marka dayactirka.

 

Ku noqo kor 

 

Aalada Maqalka Sahasha ee Lagu Xidho Dhagta Guddaheeda (ITE)

Aalada maqalka sahasha ee lagu xidho dhagta guddaheeda (sidoo kale waxaa lagu magacaabaa canal aid, kutiirsanaanta xajmigeeda) waxay leeg tahay guddaha dhagta oo uma baahna carjawda dahgta ama shay kale oo kadanbeeya dhagta. Nasiib daro, waxaa jira dhibaatooyin kuhaboon aaladahan maqalka sahla ee caruurta. Hal dhibaato ee uu leeyahay ITEs waa xaddidnaanta ay leeyihiin inta dhawaq dheer ahaan ay samayn karaan xajmigooda oo aad u yar. Sidoo kale, xajmi yaraanta ITE awgeed, cimriga dhagaxa kujiraa uma hayo inta uu u ku hayn karo ka aalada maqalka sahla ee BTE. Sidoo kale waxay ka kharash badan yihiin waayo ITEs caado ahaan waxaa loogu talo galay dhagtii kasta ee cunnuga.

Dhibaatada kale ee uu leeyahay ITE waayo waa iyadoo aalada maqalka sahashaa ay u baahan tahay in si fiican u leegaato dhagta cunuga, aalada laga yaabaa inay u baahato in dib loo badalo iyadaoo salka ku haysa sida ugu dhaqsiyaha badan ee uu cunnugu u korayo. Noocan aalada maqalka sahasha kuma haboona ama lagulama talanayo cunnuga illa inta uu/ay ka korayo oo uu u dhawaanaya xajmigiisa/xahgmigeeda dadka waaweeyna (ugu dhawaan sannadaha dhalinyaranimada).

Macluuumaad intaas dheer oo kusaabsan aaladaha maqalka sahala iyo sida ay shaqeeyaan, fadlan booqo National Institute on Deafness and Other Communication Disorders ee barta shabakadda www.nidcd.nih.gov/health/hearing/hearingaid.asp.

Ku noqo kor

 

Aalada Maqal Fuliyaha lagu Xidho Lafta Dhagta 

Aaladaha maqalka ee Joogtada ahi uguma shaqeeyaan si fiican dhammaan noocyda maqal la'aanta. 

Caruruta qabta dhago la'aanta hal dhag kaliya iyo hal dhag maqal oo caadiya ( maqal la'aan hal dhaga),ama caruurta qabta qaar kamida noocyda guddbinta maqal la'aanta, laf lagu xidho maqal fuliye aya ah doorashada haboon.

Maqal fuliye ayaa lagu xidhaa duub ama waxa lagu dhajiyaa dhinaca (qaab taageere) kadib da'da 5, kaas oo u baahan qalniin. Maqal fuliyuha waxaa si fudud u qariya timaha u sahlan tamaha.

Maqal fuliye lagu xidho laftu waa qalab aad u yar oo ku xidhma dhagta dabadeeda. Bir Xubin abuurida ayaa ladhexgaliyaa lafta madaxa ee cunnuga xilliga qalniinku socdo. Shayga taageerahaa ayaa lagu dhajisayaa xubin abuurista, maqal fuliye ayaa lagu dhajiyaa shay taageeraha.

Maqal fuliyahu wuxuu si toosa ugu diraa dhawaaq gariiraya qaybta guddaha ee dhagta isagoo sii maraya lafta madaxa cunnuga (halkii uu ka sii mari lahaa qaybta dhexe ee dhagta si uu u gaadho qayabta guddaha ee dhagta sida maqalka caadiga ah oo kale).

Halkan waxaa kuyaala sida uu u shaqeeyo. Cunnuga kuxidha aalada dhinaca isku mida oo jidhk ah ee dhagta maqal la'aantu hayso. Maqal fuliyaha (sanduuqa midabka cawlaanka ah/madow) ayaa kor uga soo qaada dhinaca cunnuga qaba maqal la'aanta. Dhawaqu wuxuu sii dhexmaraa lafta madaxa cunnuga isgoo tagaya  cochlea ee dhinaca kale ee jidhka cunnuga (dhinaca qaba maqalka caadigaa). Marka dhawaqan socdo, waxaa soo dhufta cochlea oo cunnugana uu awoodi karo dhawaqyada ka imanaya laba dhinaca deegaankiisa/deegaankeeda. 

Khabiir maqalka cunnuga ama/ama  otologist ayaa bixin kara macluumaad dheeraada oo kusaabsan lafta lagu xidho maqal fuliyaha. 

Ku noqo kor

 

Xubin Beerista Cochlear 

Fadlan ogow khabiirada maqalka jooga Children's Mercy Hospitals and Clinics in aanay lug ku lahayn rakibaada ama kashaqaynta barnaamijka xubin beersista are not involved ee cochlear. Caruurta u baahan xubin abuurista cochlear ee aada barnaamijyada kale ee qiimaynta. Khabiirka maqalka ayaa siin doona waalidka liiska barnaamijyada xubin beerista ee Children's Mercy cochlear.

Aalada Maqalka sahasha maaha mid badaniyaa ah ikhitiyaarka ugu wanaagsan caruurta qabta maqal la'aanta daran ee qotada dheer. Xubin abuurista cochlear ayaa laga yaabaa inay inbadan caawiso caruurtan. 

Xubin abuurista Cochlear waa aalad elektarooniya oo kacaawisa cunnuga qaba maqal la'aanta daran ee qotada dheer habab kala duwan oon ahayn ta Aalada Maqalka sahasha.

Aalada Maqalka sahasha waxay samaysaa dhawaqyo qaylo dheer sidaas daraadeed dhagta ay jugtu soo gaadhay ay maqli karto iyaga. Xubin abuurista cochlear ayaa ku wareegta qaybaha jugtu gaadhay ee dhagta si ay ula shaqayso  dareen wadaha maqalka, oo u baahan qalniinan.

Xubin abuurista cochlear masoo celiso maqalka caadigaa. Maqalka sii dhex mara xubin abuurista way kaduwan tahay oo waqti ayey ku qaadanaysaa cunnuga si uu ula qabsado. Waxay siinaysaa caruurta fursad si uu u maqlo dhawaqyo badan oo ku xeeran iyaga ama waxay kacaawin kartaa caruurta si ay u bartaan hadalka.

Tani waa sida cochlear xubin abuurista ay u shaqayso. Xubin abuuristu waxay leedahay laba qaybood: qaybta ku fadhida jidhka dibadiisa ee kadanbaysa dhagta iyo qaybta la dhexgaliyey dubka. Qaybta kutala jidhka cunnuga dibadiisa (qaybaha yar ee madaxa) waxay leeyihiin  cod baahiye kaas oo kor u qaada codka. Sidoo kale wuxuu leeyahay hadal fuliye, kaas oo kasoo kor usoo qaada oo habeeya dhawaqyada ka imanaya cod baahiyaha. Gudbiyaha  qaybta dhagta lasaaro ayaa kahela seenyaalaysi hadal fuliyaha oo u badala iyaga quwad daba. Dabadeed nidaamka koronto gudbiyaha (qaybta xubin abuuristaed ee kudhextaala  cochlea) ayaa kor usoo qaada quwadaha ka imanaya qaybta dhagta lasaarayo oo u dirta qaybaha kaladuwan ee dareen wadaha maqalka (kaas oo ah caadiyan inuu u diro dhawaqa ka imananaya cochlea xagga maskaxda). Dabadeed Maskaxdu waxay awoodi kartaa in ay xaqiijiso xoogagan sida dhawaqa oo kale.

Khabiirada maqalka Children's ayaa u dira caruurta goobaha kale ee qiimaynta cochlear xubin abuurista.

Macluumaad intaas dhaafsiisan oo kusaabsan cochlear xubin abuuristas fadlan booqo shabakadda ee barta National Institute on Deafness and Other Communication Disorders www.nidcd.nih.gov/health/hearing/coch.asp

Ku noqo kor 

 

Waqti Intee Leeg Ayeey Tahay Inuu Cunnugu Xidho Aalada Maqalka Sahasha Maalin Walba?

dehumidifierKhabiirada maqalka ee Children's Mercy Hospitals and Clinics waxay jecel yihiin inay u sheegaan caruurta in Aaladooda Maqalka sahasha ee cusub ay imminka ay tahay qayb kamida dharkooda. Sidaas daraadeed, marka cunnugu uu labisto aroortii, waa inay gashadaan shaadhaka, nigisyada iyo Aalada Maqalka sahasha. Marka cunnugu iska saaro dharka habeenkii, waa in ay iska saaraan shaadhka, iska saaraan nigisyada oo ay iska saaraan Aalada Maqalka sahasha. Caruurtu waa inaanay xidhan Aaladooda Maqalka sahasha marka ay hurdaan, maydhanayaa/qubaysanayaan ama dabaalanayaan. 

Waqtiga badan ee caruurtu ay ku qaadato xidhashada Aaladooda Maqalka sahasha, waxay ka dhigan tahay hadalkooda, luuqadooda, barashadooda iyo natiijooyinkooda buslsho oo kasii wanaagsana. 

Marka Aalada Maqalka sahasha aanay kujirin dhagaha, waa in galiyaan mishiinka wax qalijinta loo isticmaalo halkaas oo ay ku bad helayaan ama ay ku qalalayaan. Aalada Maqalka sahasha waa inaan waligeed la dhex galin jeebada, laduldhigin miiska bunka ama aan la dhex galin shandadaha dhabarka lagu qaato. Waa in aan lasii dhexmarin miishiinka dharka dhaqa,waa in aanu cunin ay ama aanay buugaagtu burburin! 

Ku noqo kor

 

Sidee Baa Aalada Maqalka Sahasha loo Daryeelaa?

Caruurta dhalinyarada ah, dadka waaweeyni waa in ay dhagaystaan Aalada Maqalka sahasha maalin walba kahor intaanay gashan si ay u hubiyaan in aaladuhu ay si saxa u shaqaynayaan. 

Haddii ay jirto wax cilado ah oo haysta aaladaha sida haddii aanaya cod jirin, ama ay kayara dagan tahay sidii caadiga ahaa, aanay dhaqdhaqaaq lahayn ama shaqada aalada maqalku ay shidan tahay ama dansan tahay, kabadal  dhagaxa

Haddii dhagaxa cusubi aanu xalin cilada, kanadiifi  maraaraha dhagta wareegyada dhukayga ee/ama kabuufi si aad u hibiso in dhukaygu aanu xidhin  tuunbada

Haddii midna ciladahani aanay xalin cilada, soo celi Aalada Maqalka sahasha Rugta Caafimaadka ee Maqalka iyo Hadalka si ay u dayactiraan. Marka la keenayo Aalada Maqalka sahasha, waxaa jira foomka dayactirka si loo buuxiyo. Waxaa lagala soo bixi kaaa adioo gujinaya aalada maqalka repair form ama qof ba ha kuu biixiyo.

 

Haddii ay dhibi kaa haysato kabogashada fiidhyowga xagga sare, midigta-guji iskuxidhaha soo socda oo dooro "Save As..." si aad ugala soo baxdo foomka si aad ugaga bogato: Aalada maqalka Care 

Ku noqo kor

 

Sidee bay Waalidku u Caawin Karaan Caruurtooda si ay u Hagaajistaan Xidhashada Aalada Maqalka Sahasha?

Mararka qaarkood badalista xidhashada Aalada Maqalka sahasha way ku adag tahay caruurta.

Isku day si aad u xidhato Aalada Maqalka sahasha oo ka dhig wax raaxo leh. 
Gasho aalada Maqalka sahasha oo markii bilaab inaad cunuga kala shaqayso. Haddii cunnugu uu jecel yahay muusikada, u daar CD ga uu ka helo oo lajaas. Haddii cunnugu uu jecel yahay inuu wax akhriyo, u gali aalada oo ha akhriyo buuga uu kahelo. Haddii cunugu jecel yahaysi uu ugu ciyaaro ciyaaro khaasa, dabadeed samee taa. Samee waxkastoo uu cunnugu kuraaxaysto. Haddii uu cunnugu uu iska saaro Aalada Maqalka sahasha, hadagaalin isaga/iyada. Kaliya uun kaqaad Aalada Maqalka sahasha, meel baydhsan ka dhig, oo ska cunto taga ama casho samaysta ama samee hawl maalmaalmeeda kale. Kadib marka shaqada laqbto, dib ugu xidh cunnuga aalada Maqalka sahasha oo bilow hawl kale oo madadaalaa. Isla marka, cunnugu uu garto marka uu isagu/iyadu ay xidhato aalada Maqalka sahasha, si aan cunnuga fejignaantiisu u qaybsamin oo ugu raaxaysto. Marka cunnugu uu iska saaro aalada Maqalka sahasha, qosolku wuu istaagayaa oo waalidkiisa/waalidkeeda ayaa u fiirsanaya shayada kale. 

Haddii uu cunnugu uu xidho oo kaliya aalada Maqalka sahasha waqtiyada yar oo kooban, isku daya tan. Ugalia aalada Maqalka sahasha. Maaweeli cunnuga oo gabagabada hawsha dadka waaweeyn waa inay kasaaraan aalada Maqalka sahasha oo ay meel baydhsan dhigaan. Sii amaan farabadan cunnuga si aad u ilaaliso aalada muddo dheer oo kaafida si loo dhammaystiro hawsha. U ogolow cunnua inuu nususaaceeyo, then put the aids back in. Dhammaystir hawl kala oo dabadeedna mar labaad dadka waaweeyni waa in ka saaraan aalada Maqalka sahasha oo ay ka fogeeyaan. Kuceli hab-raacan ugu yaraan saddex jeer maalintii. Maalin kasta hawluhu waa in ay socdaan inka dheer. Habkan, cunnugu wuxuu garanayaa in aalada laga saari doono dhammaadka hawsha, sidaas daraadeed waxaa suurtogal ah in ay ka yaraato in cunnugu iska saaro/iska saarto.

Waxaad maskaxda ku haysaa in himilada cunnuga loogu talo galay ay tahay si uu u xidho aalada Maqalka sahasha dhammaan saacadihiisa/saacadaheeda uu shaqaynayo maalin walba. Afkaarahani waa in ay ka caawiyaan cunnuga barashada sida loo xidho aalada Maqalka sahasha. Dhammaadka bil kasta, cunnugu waa inuu xidhaa aalada Maqalka sahasha markasta oo uu/ay tooso. Marka cunnugu uu yeelo aalada Maqalka sahasha hawlaha ku liis garaysan xagga sare, kubilow lamacaamilka aalada Maqalka sahasha inay qayb ka tahay dharka cunnuga. Marka cunnugu uu labisto aroortii, u gali aalada. Marka cunnugu uu dharka iska saaro, kasaar aalada. Sida dhaqsiyaha badan ee uu cunnugu u gaadho heerkan, waxay tahay sida hadalka, luuqada ama barashada cunnugu uga sii raynayso.

Waalidku waa inay laxidhiidhan khabiiradooda maqalka haddiii ay dhibaato ka haysato cunnugoodu in uu xidho aalada. Khabiirada maqalka ee ku sugan Rugta Caafimaadka Hadalka iyo Maqalka ayaa si farxadi kamuuqato ula shaqayn doona cunnuga iyo waalidiinta.

Ku noqo kor

Ku noqo Barnaamijka maqalka

Copyright © 1996-2014 The Children's Mercy Hospital